Madaxweynaha cusub ee JFS oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya

Published: May 16, 2022

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka iyo Booliska Soomaaliyeed.

Taliyeyaasha ayaa warbixin la xiriirta xaaladda ammaan ee dalka la wadaagay Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan kulan la qaatay taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliyeed. Waxaan ka dhageystay warbixinta guud ee amniga dalka iyo qorshayaasha hortebinta leh xilliga kala guurka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey “Amniga waa muhiimmadda koowaad ee dowladda”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *