Maxay isaga mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Grover Cleveland?

Published: May 16, 2022

Maxay isaga mid ahayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee la doortey Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Grover Cleveland?

  • Labada Madaxweyne waxay isaga mid ahaayeen in ay laba jeer oo aan isku xigin (non-consecutive) Madaxweyne noqdeen.
  • In ay ku guuldaraysteen dib u doorashada xiriirsan
  • In midkasta ka guuleystey ninkii teeramkii hore ka guuleystey

Grover Cleveland waxa uu xilka Madaxweynaha Maraykanka ku guuleystey 1885 – 1889, waxaana uu ka tirsanaa Xisbiga Dimoqraadiga, waxaa dib u doorashadii ka guuleystey Benjamin Harrison 1889 – 1893, afar sano markii uu ka maqnaa xafiiska ayuu mar kale ka guulsytey ninkii beddalay isaga 1893 – 1897.

Xassan Sheekh waxa uu xilka ku guulsytey 2012 -2017, waxa uu katirsanaa Xisbiga PDP, waxaa dib u doorashadiisi ka guulesytey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 2017 -2022, shan sano oo uu xilka ka maqnaa waxa uu habeenkii xalay mar kale ka guulstyey ninkii beddalay isaga waxaana uu xilka hayn doonaa afar sano.

Haddaba Xassan Sheekh waxa uu galay taariikhda Soomaaliya Madaxweynihii u horeeyey ee laba jeer oo aan is xigin dalka Madaxweyne ka noqdey, si lamid ah Grover Cleveland oo ah Madaxweynaha keliya ee Maraykanka ee sidaas oo kale sameeyey, waxaana uu ahaa Madaxweynihii 22aad iyo kii 24aad ee Maraykanka, halka Xassan Sheekh ka yahay Madaxweynihii 8aad iyo kii 10aad ee dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *