Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha cusub & Gudoomiyaha Golaha shacabka?

Published: May 16, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta salaan iyo  hambalyo ugu tagay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal.

Labada masuul ayaa kulankooda isaga xog-wareystay sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah.

Sidoo kale kulanka ayaa looga wada hadlay dhameystirka dhismaha hay’adaha dowladda iyo dedejinta howlaha xilliga kala guurka.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee wada yeeshaan Madaxweynaha cusub ee la doortay iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *