UK oo u hambalyeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 

Published: May 16, 2022

Dowladda Britain ayaa u hambalyeysay Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay mar kale Baarlamaanka Soomaaliya u doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Hambalyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, UK waxay rajeyneyaa inay sii waddo shaqada wada shaqeynta dhow ee ay Soomaalida uga taageereyso dhismaha xasilloonida, la dagaallanka Al-shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ba’an” ayay tiri wasiirka arrimaha Africa ee UK Vicky Ford.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah ee soo socota kadib doorasho qaadatay in ka badan 10 saac oo ka dhacday Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ah Madaxweynihii kursiga ku fadhiyey.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *