Maxaa sababay guul-darrada Siciid Deni ee doorashadii Madaxweynaha Soomaliya?

Published: May 17, 2022

Madaxweynaha Puntland  Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo isu taagey tartanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedeaalka ayaa guul-darro kala kulmey kadib markii uu ku harey wareega labaad, isaga oo hoggaamiyey wareegii u horeyey ee doorashada,  su’aasha dad badan is weydiinayaan ayaa ah maxaa sababey guul-darrada Siciid Deni? Sidee ku dhacdey isaga oo hoggaamiyey wareegii kowaad in uu ku haro kan labaad?.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa damaca Madaxweynaha Soomaaliya galey wax yar kadib doorashadii Puntland 2019, waxaana si weyn loo dareemay in uu yahay Musharax dhab ah sanadkii 2020, haddaba si uu u gaaro hadafkiisa waxa uu  samaystey Istraatiijiyad isaga u gaar ah iyo farsamooyin, 

  • Wuxuu saameyn weyn ku yeeshay shirarkii doorashooyinka, 
  • Wuxuu dagaal adag la galay Villa Somalia,  
  • Wuxuu soo diyaariyey dhabbaha loo maraayo doorashada, 
  • Waxa uu ku guuleystey in ugu yaraan uu helo hal Dowlad goboleed (Jubaland) oo isaga u shaqeysa.
  • Wuxuu urursadey dhaqaale ku filan oo lagu qiyaaso 20 milyan oo dollar.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni doorashada waxa uu la yimid ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka kala yimid laba Dowlad goboleed oo inta badan gacantiisa ku soo qortey, taas oo u noqotey saldhig iyo gundhigga doorashadiisa, haddaba xagee wax iska beddeleen?.

SAAXIIBADII IS DOOXAY

Saaxiibada ugu dhawaa Madaxweyne Deni, ee ay hoggaaminayeen Xil. Cali Xoosh iyo Faroolayaal ayaa la dhihi karaa dhabarka ayey ka toogteen, waxay ahaayeen kuwo si weyn u haya xogtiisa, mid dhaqaale iyo mid istraatiijiyadba, waxay doonayeen in ay dhistaan Xassan Cali Kheyre si ay u helaan Raysalwasaare, qorshaha Raysalwasaaraha ayaa soo bilowdey sanadkii hore, waxaana ay ku guulesyteen in Xildhibaano gaaraya 13 ay u codeeyaan Xassan Cali Kheyre. 

Saaxiibadda ka shaqeeyey guul-darrada Siciid Deni ayaa qorshohooda ugu weyn ahaa in ay muujiyaan awoodda ay ku leeyihiin Soomaaliya, sida in ay horey Puntland ugu guulsyteen in ay dhisaan Siciid Deni, haddana ay ku guuleystaan Soomaaliya in ay dhisaan Xassan Cali Kheyre si ay u helaan Raysalwasaaraha, taas oo u fududeyneysa in ay Puntland maamulaan 10-ka sano ee soo socota, damacaas waalan waa midka keenay in ay dhabarka ka toogtaan Siciid Cabdullaahi Deni oo ay dhex-galaan Xildhibaanadii uu soo xushay oo la aaminsan yahay in 13 kamid ah ay u codeeyeen Xassan Cali Kheyre, halka qaar kale oo badan ay u kale codeeyeen Xassan Sheekh Maxamuud.

Sida xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan waxaa Madaxweyne Deni  qayb ka ahaa guul-daradiisa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo isbeddel ku yimid,  qaybna ka noqdey baadi-goobka Raysalwasaaraha, tiro aad u yar ayaa Xildhibaanada Jubaland u codeysey Siciid Deni.

MAQNAANSHAHA XULAFO SIYAASADEED

Wareegii hore ee doorashada waxaa si weyn ugu codeeyey Siciid Deni Xildhibaano badan oo uu dhaqaale siiyey, oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee Soomaaliya kuwaas oo aaminsanaa in tirada ugu badan isagu helaayo oo uu yahay madaxweynaha cusub, waxaase muuqdey in aanu garab iyo gaashaan ka haysan mucaaradkii ay mudada dheer soo wada shaqeeyeen oo  iyagu isugu shubey, waxaana taasi keentey in uu ku haro wareega labaad kadib markii saddex cod oo keliya ay u kordheen.

DAGAALKII DOORASHADA USOO GALAY. 

Siciid Cabdullaahi Deni oo ay indhihiisu hayeen keliya kursiga Villa Somalia waxa uu doorashada u soo galey dagaal siyaasadeed iyo mid hubeysan,  waxay doorashada isku seegeen Isimada dhaqanka Puntland kuwoodi ugu miisaanka weyn, siyaasiyiin, waxgaradka iyo labeentii reer Puntland, saaxiibo isaga muddo bersadiisa fadhiyey iyo dad kale oo badan, kuwaas oo uga daba tegay Muqdisho, Siciid Deni waxaa loo arkey in uu yahay nin aan cusbeyn, waxaana luquntiisa surnaa malaf aad u weyn oo saddexdii sano ee Puntland maamulaayey ah.

CIYAARTA NABAD & NOLOL

Istraatiijiyadda Nabad iyo Nolol ay doorashada ku soo galeen ayey diiradda ku saareen laba musharax oo keliya, in wareega kowaad lagu reebo Shariif Sheekh Axmed oo ay aaminsanaayeen in uu  khatar ku yahay iyo in lala dego Siciid Cabdullaahi Deni oo ay dhici karto in Madaxweyne Farmaajo ay isku meel ka kaluumeysanayaan oo ay isku saldhig yihiin, taasna waa hirgashey. In Madaxweyne Farmaajo la yimaado geesinimo uu ku sii socon karo, wareega labaad isaga oo laga horeeyey wareega kowaad, isla markaana natiijo fiican ka keenay wareega labaad, ayaa keentey in ay albaabada ka xirto Deni iyo Kheyre, waxaana la dhihi karaa tanaasul la’aanta Farmaajo waxay ahayd guul-darrooyinkii Siciid Deni.

HAWIYISIM

Siyaasaddii isku sidkaneyd ee Puntland iyo Jubaland ayaa keentey in mid la mid ah loo isticmaalo hoolka doorashada, iyada oo horey loogu guuelsytey in shaki la kala dhex dhigo, Pun-Jub taas oo bilaamatey doorashadii shir guddoonka  labada Aqal, markii Deni ku guuleysan waayey in uu xakeemeeyo Xildhibaanadii uu soo xushay, dhanka kale qaar kamid ah Musharixiinta beelaha Hawiye ayaa ka xumaa in Axmed Madoobe  uu shaqo ka dhigto dhisitaanka Siciid Deni oo kaliya iyaga oo sheeganaya in ay abaal kuwada lahaayeen, taasna loo arkey siyaasad qabiileysan, waana midda keentey in hoolka doorashada laga arko wareega labaad in lagu dhiso Xassan Sheekh Maxamuud oo aan loo kala harin.

GEBAGEBO

Ma jirin fursad ka wanaagsan oo soo martey Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland uu ku noqon karey madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu haystey dhamaan fursadaha suurta gelin kara in uu guuleysto, laakiin hab-dhaqankiisi ahayd in aanu waxba xeerin, Puntland dagaal kala soo tago waxay dhaxalsiisey guul-darro aad u weyn oo dhankasta ah,  waxaana fursaddii ka faa’ideystey Mucaaradkii kale ee aysan jirin shaqo badan oo ay geliyeen Xildhibaanada, haddaba  doorashadii waa dhamaatey, waxaase yaala dhaxalkeedi, waxaana la is weydiin sida Siciid Deni u dhaqmo doorashada kadib (Aftermath).

Maxamed Cismaan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *