Turkiga muxuu ka yiri doorashadii Xasan Sheekh?

Published: May 17, 2022
See the source image

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan ku faraxsannahay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaatay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Soomaaliya 15-kii May 2022″ ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey “Waxaan u rajaynaynaa in doorashadu ay u noqoto walaalaheena Soomaaliyeed iyo shacabka bariga Afrika oo wadajira, waxaana u hambalyaynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud”

Ugu dambeyn, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in dowladiisa ay sii laba jibaareyso taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku faanay iney ahaayeen dalkii u horeeyay ee Soomaaliya u soo gurmado sanadii 2011.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *