DFS oo Mareykanka uga mahadcelisay ciidamada uu dalka u soo dirayo

Published: May 18, 2022
See the source image

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

Fariin lagu qoray barta twitter-ka ee Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soomaaliya marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasilloni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixisada.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Mareykanku waxa uu had iyo jeer ahaa saaxiib la isku halayn karo, inaga oo raadinayno xasillooni iyo inaan la dagaalano argagixisada.”

Tallaabadan ayaa beddelaysay go’aankii uu horey ciidanka Maraykanka Soomaaliya uga soo saaray Madaxweynihii xilka uga horreeyey Donald Trump.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *