Galmudug oo doon-dooneysa Sh. Shaakir & saraakiil kale

Published: May 18, 2022
See the source image

Taliska booliska ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saaray liiska 36 qof oo lagu raad joogo, kuwaas oo loo heysto hurinta dagaalkii ay Ahlu-Sunna ku soo qaaday Dhuusamareeb.

Dadkan ay shaaciyeen Taliska waxaa kamid ah oo ku jira Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo saraakiil kale.

Madaxda howlgallada booliska Soomaaliya ee ka howlgala Galmudug Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo warbaahinta u akhriyey bayaankii kasoo baxay Taliska booliska ayaa soo bandhigay sawiirada dadka la doon-doonayo.

Dadkaan lasoo bandhigay ee lagu raad joogo ayuu sheegay Taliye Nuur Cilmi inay ku dhuumaaleysanayaan deegaano ka tirsan Galmudug, isagoo bulshada reer Galmudug ka codsaday in dadka ku jira liiskaan ay booliska lasoo wadaagaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, si sharciga loo hor keeno.

Sidoo kale dowlad goboleedyada deriska la ah Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa bayaankaan looga codsaday inay ku garab siiyaan maamulka Galmudug, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa saraakiishaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *