RW Rooble “Madaxweyne Xasan Sheekh Milkiile dalkaan ka ilaali”

Published: May 18, 2022
See the source image

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horreysay ka hadlay doorashadii Madaxweynaha cusub ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku yimid doorasho xalaal ah oo aheyd midii ugu fiicneyd ee dalka ka qabsoontay.

Rooble ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kula taliyey inuu iska ilaaliyo in uu dalka uu yeesho milkiile ama shaqsi si gaar ah awoodda dowladda wax weliba uga soo sameysanaya.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Milkiile dalkaan ka ilaali Soomaali aday ku doorteen nin ku keensaday majiro, go’aanka adiga iyo Ra’iisul Wasaarahaaga iyo inta xukunka kula joogta kaliya ha idinku ekaado cid kale haku aaminin,” ayuu  ku yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *