Ciidamada DFS oo howlgal ka sameeyey Muqdisho

Published: May 19, 2022

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ballaaran xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, kaas oo.

Howlgalka oo ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka waxaana horkacayey taliyaha saldhigga Warta Nabadda ee gobolka Banaadir Cabdullahi Xasan Cali.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid ka dhan ah kooxaha ciyaal weerarada ee inta badan dhibaatooyinka ka geysta gudaha magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay taliyaha baaritaanadan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo la’isugu geeyey hal goob, halkaas oo uu kula hadlay taliyuhu.

“Naftaada bad-baadi, annaga na bad-baadi, deegaanka bad-baadi, ha noqon caasi waalideyn intaas ayaa noo ballan ah,” ayuu yiri taliyaha Booliska Warta Nabadda.

Ugu dambeyn waxa uu farriin u diray shacabka ku dhaqan degmada Warta Nabadda isagoo ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *