DFS oo Imaaraadka ku wareejisay lacagtii horay looga xanibay

Published: May 19, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala  hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *