Farmaajo & Xasan Sheekh oo mar kale ku kulmay Villa Somalia

Published: May 19, 2022

Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Waa kulankii labaad oo ay Villa Soomaaliya ku yeelanayaan Farmaajo iyo Madaxweynaha cusub, ka hor munaasabadda xil wareejinta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *