Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyey xeerar cusub

Published: May 19, 2022

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho.

Shirka waxaa guddoomiyey Ra’iisul wasaare XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo ay ka qeyb gakeen qaar kamid ah Golahiisa Wasiiradda.

Shirka ayaa waxaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah wasiirada, taas oo la xiriirtay xaaladda dalka, maadaama ay soo dhammaadeen doorashooyinka dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *