Guddiga Abaaraha oo codsi u gudbiyey Gudoomiyaha Golaha shacabka

Published: May 19, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Guddoomiyaha ayaa Guddiga kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha soo noq-noqday.

Guddiga abaaraha ayaa Guddoomiyaha ka codsaday in qeyb ka mid ah loogu deeqo lacagihii musharaxiinta laga qaaday si wax loogu qabto dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankiisa guddiga u sheegay in sida ugu wanaagsan uu Golaha Shacabka u la shaqeeyn doono Gudigga Abaaraha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *