Imaaraadka oo lacag ugu deeqay DFS, kadib markii loo fasaxay lacag ka xayirneyd

Published: May 19, 2022

Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayid ayaa amray in ay Xukuumadiisu siiso Soomaaliya lacag dhan 35malyan oo Dirham, una dhigan $9.52malyan oo Dollar.

Deeqdaan lacagta ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in loogu talo-galay wax ka qabashada Abaaraha iyo Caruurta Soomaaliyeed, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee Al-Ain.

Safiirka Imaaraatka Carabta u jooga Soomaaliya iyo Wasiirka amniga gudaha ayaa maanta ka saaray Bangiga dhexe ee Muqdisho, lacag dhan $9.6malyan oo 4-sano kahor lagu qabtay madaarka Aaden Cadde, taas oo ay DFS kusifeysay in ay sharci darro ahayd.

Deeqdaan ayaa ah isla midii horay looga qabtay Soomaaliya, haddana isla dib ayaa loogu deeqay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *