Madaxweyne Muuse Biixi mxuu ka yiri doorashadii Soomaaliya?

Published: May 19, 2022

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xuska 18-ka May ayaa ka hadlay arrimo dhowor ah

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday doorashadii Madaxweynaha JFS ee dhowaan ka dhacday Teendhada Afisyoone, isla-markaana mar labaad xilka loogu doortay Xasan Sheekh.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo inay si nabad ku dhacday doorashadaasi, isla-markaana ay talada isku dhiibeen labada Madaxweyne.

Sidoo kale wuxuu ugu duceeyey Madaxweynaha cusub inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

“Madaxweynaha shalay doorashadiisa nabadda ku dhacday iyo labada Madaxweyne ee gacanta isku dhiibay aad iyo aadbaan usoo dhoweyneynaa in Ilaahey idin barakeeyo oo sidaas ku wadaan waan idin kuugu soo duceyneynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland uu boggaadiyey doorashadii Afisyoone, una hambalyeeyey Xasan Sheekh.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *