RW Rooble oo ka hadlay wada shaqeyntii kala dhaxeysay MW Farmaajo

Published: May 19, 2022

Rooble oo ka hadlay shirka Golaha Wasiirada ayaa markale u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee JFS Xasan Sheekh, wuxuuna ka dalbaday Ummadda Soomaaliyeed inay u duceyso.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo ka hadlay wada-shaqeyntoodii.

Rooble ayaa sheegay in ay wada-shaqeyn wanaagsan soo dhex-martay, isaga iyo Farmaajo ayna kaliya ku kala aragti duwanaayeen arrimaha doorashooyinkii soo dhammaaday.

“Waxaan maanta shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa wada shaqeyn fiican iyo walaaltinimo waa nasoo dhex-martay bani’aadam ayaa la yahoo ilka iyo carab ayaa dad isugu dhow way is qaniinaan, waana sheegayoo Madaxweynaha aad ayaan iskula shaqeynay, laakiin dhibka Soomaaliya heesta waa sheegay miilkiilaha sow maahin?” ayuu  yiri Ra’iisu waasare Rooble

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in wixii dhacay laga soo gudbay, isla-markaana uusan waxba u qabin Madaxweynihii hore ee dalka.

“Inaan u mahadceliyo ayaan rabaa si ufishal ahna inaan u dhoho Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wixii dhacay Cafa Laahu Camaa Salafa, waan wada shaqeynay,” ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa Rooble.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *