RW Rooble oo maanta u safraya Imaaraadka Carabta

Published: May 19, 2022
See the source image

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa inuu u safro dalka Imaaraadka Carabta.

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ah si uu halkaas ugu qeyb galo aaska Madaxweynaha dalkaas Sheekh Khalifa oo dhawaan u geeriyooday xanuun.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa aaska Marxuumka kadib waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta, isagoo kala hadli doona sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Dhawaan ayey ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble markii uu soo celiyay xiriirkii Soomaaliya kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta, sanado badan xumaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *