Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Al-Shabaab

Published: May 20, 2022

Taliska Daraawiishta ee degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada.

Ninka la qabtay ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka miinooyinka, waxaana la qabtay xilli uu doonayey in uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu qirtay inuu fuliyay qaraxyo uu ku kala aasay Janaale, Bariire, Sabiid, Afgooye iyo Ex kontorol Afgooye, sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ayaa sare u qaaday howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *