DFS & Hay’adda lacagta adduunka oo gaaray heshiis ku saabsan dayn cafinta

Published: May 20, 2022

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa gaaray heshiis ku saabsan geeddi socodka Deyn Cafinta iyo dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa ka dambeeyay kadib markii IMF ay soo gabagabeeysey wada hadallo toos ah oo ay la yeesheen dowladda Soomaaliya, waxaana sida warbixinta lagu xusay uu ku xiran yahay inay ansixiyaan guddiga Sare ee IMF.

IMF waxa ay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kor u kacay sameeyay dhib kasta oo ka jiro dalka, sida Abaaraha. Hey’adda IMF waxa ay ay ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto dowladda cusub iyo Hey’addaha Maaliyadda dalka.

“Waxa aan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo Dib-u-eegista Wajiyada 2aad iyo 3aad Barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Go’aanka IMF ayaa ku soo beegmaya kaddib markii ay dhammaatay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya oo 15 bishaan May dalka ka dhacday.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *