Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo ku laabtay, kadib doorashadii Xasan Sheekh

Published: May 20, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG Jubbland.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno katirsan golaha wasiirada iyo aqalka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS.

Sidoo kale, waxaa weli Magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynahaasha Puntland, Galmudug, Koofur galbeed iyo Hirshabeelle halkaas oo dhowaan lagu wado inay ka qabsoonto munaasabada xil-wareejinta Madaxweynaha JFS.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *