Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dabkii Muqdisho

Published: May 20, 2022

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xanuunka la qeybsaday dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dabkii xalay ka kacay goobaha ganacsi ee isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

“Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in musiibada dabka tahay dhibaato u baahan in wadajir looga shaqeeyo maareynteeda, waxaana uu tilmaamay in ay ka shaqaynayaan sidii xal loogu heli lahaa.

“Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *