Qarax ka dhacay Muqdisho & Siyaasi caan ah oo ku dhaawacmay

Published: May 20, 2022

Qarax nooca miinada ah oo ka dhacay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa lala beegsaday siyaasi caan ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Qaraxa ayaa lala beegsaday siyaasi Cabdullaahi Sheekh xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadda Jimcaha.

Siyaasi Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi miino oo la dhigay meel aan ka fogeyn masjidka uu ku tukuday salaadda Jimcaha.

Dhaawaca Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa la dhigay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagula tacaalayo sidii wax looga qaban lahaa xaaladihiisa oo ah mid aan wanaagsaneyn.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta xisbiyada siyaasadeed furtay, islamarkaana taageersanaa madaxweynaha xafiiska jooga ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Weli ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda iyo sidoo kale koox sheegatay qaraxa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *