Gudoonka aqalka sare & gudoomiyeyaasha baarlamaanada dawlad gobolleedyada oo kulmay

Published: May 21, 2022

Gudoonka Golaha aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya iyo Gudoonka golayaasha baarlamanada Dawlad gobolleedyada ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehlinayeen Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Sen. Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Sen. Cabdullaahi Cali Xeri (Timacdde) waxay xarunta Aqalka Sare kulan kula yeesheen Guddoonnada Golayaasha Sharci dejinta ee Dowladaha xubnaha Dowladda Federaalka (DXDF).

Gudoomiyayaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Aqalka Sare iyo Golayaasha Sharci dejinta DXDF iyo ka wada shaqaynta adkaynta nidaamka federaalaynta Dalka.

Sidoo kale, waxaa la isku raacay in lasii xoojiyo wada shaqeynta gudoonada baarlamaanka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *