Maxay ka wada hadleen Gudoomiye Cabdi Xaashi & Safiirka Sacuudiga?

Published: May 21, 2022

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Saalax Almuwallad.

Booqashada safiirka ayaa daarneyd salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa, iyo sida hufnaanta laheyd ee ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare iyo tii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.

Gudoomiyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka Labada Dal (Soomaaliya iyo Sacuudiga) ee walaalaha ah.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Safiirka uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *