Digniin laga soo saaray duqeymaha ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya lagu soo celinayo

Published: May 22, 2022
See the source image

Digniino ayaa laga soo saarayo duqeymaha ay ka fulin doonaan dalka Ciidamada Mareykanka oo gaaraya illaa 450 oo askari ee lagu celinayo Soomaaliya kuwaas oo maalmo kahor uu saxiixay Madaxweyne Biden.

See the source image

Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu ka taxadiro dhibaatada dadka shacabka kasoo gaari karta duqeymaha, islamarkaana ay taxadir muujiyaan Ciidanka xiliga howlgallada.

“Hawl-galladii hore ee Ciidamada Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya waxay sababeen khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray dad rayid ah oo Soomaaliyeed, taas oo Mareykanku aanu ka bixin wax magdhow ah ama garowshiyo,” ayaa lagu yiri warbixinta kooxda xuquuqul insaanka.

Kooxda xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in ay diiwaan gelisay laba weerar oo cirka ah oo uu Mareykanku qaaday bilihii February iyo March 2020 kaas oo lagu dilay toddobo qof oo rayid ah taas oo u muuqata in ay ku xad gudubtay shuruucda dagaalka.

“Iyadoo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay qirteen mas’uuliyadda dhacdadii Febraayo 2, oo ay ku dishay haweeney ayna ku dhaawacmeen labo gabdhood oo walaalaheed ah, oo labaduba caruur ah, iyo ayeeydeed, midkoodna ma helin magdhow,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch waxay ku boorisay millatariga Maraykanka inay saxaan koorsada oo ay xaqiijiyaan inay si dhab ah u qaataan dhammaan eedeymaha waxyeelada rayidka ah, oo ay si dhab ah u baaraan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *