Madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Marka oo howlgal lagu qabtay

Published: May 22, 2022
May be an image of 2 people

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Magaalada Marka waxa ay ku soo qabteen Sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab.

May be an image of 7 people and people standing

Hawlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 14aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye.

No photo description available.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in Sarkaalka hawlgalka lagu soo qabtay uu yahay Aweys Mayow Maxamed (Eelaay), Madaxii Qaraxyada Shabaab ee Magaalada Marka.

May be an image of 4 people, people standing and military uniform

Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa sheegay in hoyga ninkaasi laga soo helay bambada nooca gacanta laga tuuro iyo miino, tan dhulka lagu aaso ah.

Taliyaha ayaa ninkaasi ku eedeeyay in xilligii gacanta lagu soo dhigayay uu ku howlanaa miino uu doonayay in uu ku aaso magaalada gudaheeda, uuna qorshihiisu ahaa in uu ku gumaado shacabka, sida uu yiri. Baaritaano ay ku sameeyeen hoygiisa ayuu sheegay inay ugu suurtagashay in qaraxyadaasi ay gacanta ku soo dhigaan.

Shabaabka ayaan ka hadlin Sarkaalka la sheegay inuu iyaga ka tirsanaa ee lagu qabtay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *