Madaxweyne Xassan Sheekh Muxuu ka dalbadey Farmaajo?

Published: May 22, 2022

Madaxweynaha la doortey ee Jamhuuriyadda federaaliga ah Xassan Sheekh maxamuud ayaa kulankii saddexaad la qaatey Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kulanka ayaa diiirada lagu saarey xil weareejinta, iyo mustaqbalka dalka.

Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah u guuro guri ku dhaw garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaas oo aan wax badan u jirin xaruntii ololaha doorashada ee Xassan Sheekh Maxamuud.

Xil wareejinta ayaa lagu wadaa in ay noqon doonto mid heerkeedu sareeyo si toos ahna loola socdo.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ka dalbadey Farmaajo in uu la shaqeeyo oo xilka ku garabn istaago, wuxuuna yiri ha sameyn sidii aan sameeyey, aniguna ma samynaayo sidii aad samaysey, sida ay ilo ku dhaw labada dhinac Horseed M edia u sheegeen. Xassan Sheekh ayaa doorashadii 2017 kadib dalka isaga baxay, waxaana u ku soo noqdey isaga oo mucaarad ah, halka Madaxweyne farmaajo aanu wax jixinjixix ah u gelin Madaxweynayaashii ka horeeyey, taladana aanu waxba ka siin. Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa doonaya in uu ka faa’ideysto taageerada ballaaran ee weli Farmaajo shacabka ku dhex lee yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *