Koox hubeysan oo diley nin ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Gaalkacyo

Published: May 22, 2022

Kooxo hubeysan ayaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku dilay Wiil Dhalinyaro ah.

Wiilka ayaa lagu Magacaabi jiray Sakariye Saciid, iyagoo dilka kadib kooxdii geysatay ay ka baxsaday goobta.

Wiilka la dilay ayaa kamid ahaa Masuuliyiinta Dowladda Hoose ee degmadda Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Dowald Goboleedka Puntland.

Ma jiro weli war ah oo ka soo baxay Maamulka kaas oo ku saabsan dilka loo geystay Masuulkaas dhalinyarada ahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *