Ciidamo katirsan PMPF oo jarey dhir 12 sano ka hor PSF ku beereen Bosaso

Published: May 23, 2022

Xiisad ayaa ka dhalatey afaafka hore Garoonka Diyaaraha magaalada Boosaaso taasi oo ay ka dhalatay ka dib markii ciidamada Badda Puntland (PMPF) ay jareen qaar kamid ah dhir ay ciidanka PSF ay ku beereen jidka Garoonka Diyaaraha 12 sano ka hor.

Ciidamada PSF ayaa tagey afaafka hore ee garoonka, si ay wax uga ogaadaan sababta ay ciidanka PMPF u jareen mid kamid ah geedihii ay beereen. 

Ciidamada PSF ayaa sheegay inaysan halkaasi ka tagi doonin ilaa iyo jawaab laga siiyo sababta keentay jarista geedkaasi.

Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in xiisadda lagu xaliyey in PMPF ay dib u talaalayaan geedkii ay jareen, kuwo danbrna aysan goyn doonin.

Arrinta ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay hadalhayn badan ka taaganayd jarista dhirta Puntland. 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *