Madaxweynaha Mareykanka oo booqasho ku tagey dalka Japan

Published: May 23, 2022

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa gaaray dalka Japan, taas oo noqoneysa lugtii labaad ee booqashadan oo ah tii u horreysay ee Biden uu Asia ku tago illaa intii uu madaxweynaha noqday.

Biden ayaa labo maalmood oo aad u mashquul badan halkaas ku joogi doona. Maalintii Isniinta ah waxa uu la kulmayaa Ra’iisal Wasaaraha Japan, Fumio Kishida iyo boqorka dalka, Naruhito.

Waxa uu sidoo kale horumarin doonaa hindisaha ganacsi ee dalalka badan ku jiraan. Talaadadana waxa ay is arki doonaan hogaamiyeyaasha India, Australia, iyo Japan.

Waa shirmadaxeed ay yeelanayaan afartan waddan oo ka wada tirsan ururka Quad.

Biden ayaa ka degay gegida dayuuradaha Yokota oo ah xarun ciidan oo ku taalla duleedka Tokyo, ka dib labo maalmood oo uu ku soo qaatay dalka K. Koonfureed.

Socdaalka K. Koonfureed ayaa ahaa mid hoosta ka xariiqaya in Maraykanka ay ka go’an tahay inuu dhaqaale galiyo gobolkaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *