Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xilka kala wareegaya MW Farmaajo

Published: May 23, 2022

Madaxweynaha cusub ee JFS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareegaya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labada masuul ayaa xilka kula kala wareegaya munaasbad ka dhaceysa Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu Caasimadda Muqdisho ku qabsado munaasabad loogu caleemo saarayo xilka.

Munaasadaas waxaa ka qaybgeli doona madaxda Maamulada qaarkood, Xildhibaano iyo Wasiiradda XFS, iyadoo munaasabada kadib uuMadaxweynuhu guda galayo magacaabidda Ra’iisal Wasaarihiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *