Muxuu Madaxweynaha Jubbaland kala hadlay Golahiisa Wasiiradda?

Published: May 23, 2022

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa shir gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixiyay safarkii uu dhowaan ku tegay magaalada Muqdisho oo uu kaga soo qeybgalay doorashada Madaxweynaha JFS iyo xaalada guud ee dalka.

Sidoo kale waxaa kulanka si gaar ah aad loogu gorfeeyey sida gacanta Jubbaland loogu soo celi karo gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo habeen ka hor ka hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo qorshaha uga degan dib u hanashadiisa maamulidda gobolkaas ayaa rajo badan ka muujiyey inuu soo cesha karo Gedo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *