RW Rooble oo soo saaray amar ku socdo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

Published: May 23, 2022

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray amar culus oo ku socdo Wasaaradda arrimaha dibadda, kaas oo la xiriira shaqaalihii laga saaray wasaaradda.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arimaha dinadda Cabdisaciid Muuse Cali ku wargeliyey in laga bilaabo 1dii Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii horey uga soo baxay Golaha Wasiirada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hey’addaha kale ee dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan.

Go’aanka kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha oo hadda ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, maadaama maanta uun xilka la wareegayo Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliyda, Xasan Sheekh Maxamuud.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *