Aabe caruur uu dhalay ku gowracay magaalada Gaalkacyo

Published: May 24, 2022

Aabe Soomaaliyeed ayaa laba caruur ah oo uu dhalay ku dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Aabaha ayaa la sheegay in dilka caruurta uu adeegsaday Mindi, isaga oo gowracay, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Caruurta ayaa waxaa da’dooda lagu kala sheegay 13 jir iyo 11 sano jir, waxayna ku noolaayeen xaafada Faluuja ee magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen Aabaha, lamana oga illaa iyo hadda waxa sababay falkaasi.

Dhacdadan argagaxa leh ayaa weyn looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *