James Swan oo QM uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya

Published: May 24, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo khudbad ka jeediyey kulan ay Golaha Ammaanka ka yeesheen xaalada Soomaaliya ayaa ka hadlay isbedalka ka dhacay dalka.

James Swan oo ugu horeyn khudbaddiisa uga hadlay doorashooyinkii soo dhammaaday ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dowladda cusub ee Soomaaliya.

Wakiilkada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay weli ka jirto halis aad u weyn, taas oo ka dhalatay xaaladda bani’aadanimo ee dalka.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay ka sii darayso. Dalku waxa uu wajahayaa khatar aad u weyn oo macaluul ah deegaanno ay ku nool yihiin lix bulsho haddii qiimaha cunnada uu sii kordho, gargaarka bini’aadannimadana aan la joogteyn” ayuu yiri Swan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *