Booliska Jubbaland oo soo bandhigay nin loo haysto faafinta warar been abuur ah

Published: May 26, 2022

Taliska Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa Magaalada Kismaayo ku soo bandhigay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur, kaasoo loo haysto in uu barraha bulshada ku faafiyay warar been abuur ah.

Ninkan ayaa aalada Tiktok ku baahiyay muuqaal uu ku sheegayo in Magaalada Kismaayo uu ku nool yahay nin qaba gabar uu dhalay, kaasoo weliba ay carruur u dhashay.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay inay arrintaasi baareen, dibna ay ka ogaadeen in uu yahay war aan sal iyo raad, toona lahayn. 

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay ninkaasi baadigoobkiisa galeen, isla-markaana ay ka soo qabteen Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, diyaarad-na ay ku keeneen Magaalada Kismaayo.

Cabdirisaaq Cabdullaahi ayaa muuqaal la soo dhigay bogga Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ee Facebook waxaa uu ku sheegay in si aan ka fiirsasho lahayn uu warkaasi ugu hadaaqay, haatana uu garowsan yahay in khaladkaasi uu ka dhacay.

Booliska ayaa sheegay inay ninkaasi ku wareejin doonaan Hay’adaha Garsoorka, si loo marsiiyo wixii ciqaab ee uu muteysto.

Ugu dambeyn Booliska ayaa dhallinta adeegsata barraha bulshada uga digay inay ka fogaadaan wararka been abuurka ah, ee aan u wanaagsanayn bulshadooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *