Galmudug oo laga daah-furey Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8aad

Published: May 28, 2022
Shares2

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada  Mursal Cabdi Aadan oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Nuur Cilmi Ganey iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cali-Bashiir Cilmi Xuseen iyo qaar kamid ah Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda ayaa Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb si rasmi ugu daahfuray imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022.

Imtixaanaadka fasalka 8-aad ee 2021-2022 waxuu ka dhacayaa 22  Xarun imtixaan oo ku kala yaala 12 Degmo ee Goboladda Mudug iyo Galgaduud, Waxaana maanta Imtixaanka si rasmi ah u ugu fariistay 3,382 arday.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug waxay guul urajeynaysaa ardayda Galmudug ee maanta Imtixaanka gala.

Ugu dambeyn waalidka waxaa laga codsaday in ay ardayda caawiyaan afarta maalin ee imtixaanaadku socda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *