Madaxweynaha Turkiga oo fariin u diray dalalka Sweden iyo Finland

Published: May 30, 2022

Madaxweynaha Turkiga Erdoğan, ayaa sheegay in inta uu dalkiisu madaxda ka yahay aanu marna ogolaan doonin in dowladaha taageero argagixisida ay ku soo biiraan Ururka Gaashaanbuurta NATO, kuwaas oo ula jeedo dalalka Sweden iyo Finland.

Warkan ayuu maanta mar sii horreysay warfidiyeennada ugu sheegay gudaha diyaarad uu madaxdeynaha kaga soo noqday dalka Azerbaijan.

Sweden iyo Finland ayaa bishan horaanteedii si rasmi ah u codsaday xubin ka noqoshada ururka NATO.

Turkiga wuxuu hore ugu eedeeyay dowladahan in ay taageero dhaqaale iyo hub siiyaan ururada Kurdiyiinta ee uu kula dagaalamo xuduudaha Suuriya iyo Ciraaq.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *