Erdogan iyo Putin oo ka wada hadlay howlagallo militari

Published: May 31, 2022

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa dhiggiisa dalka Ruushka, Vladimir Putin kala hadlay hawlgal ay dowladdiisu qorsheynayso inay ka fuliso waqooyiga Suuriya.

Labada hoggaamiye oo khadka teleefanka ku wada hadlay ayaa isla gorfeeyay muhiimadda uu  hawlgalkan u leeyahay Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dhawaan sheegay in Ankara ay ka gudbi doonto xuduudda Suuriya, si ay uga hortagto kooxda Kurdiyiinta Suuriya ee YPG, isla-markaana ay abuuri doonto 30km oo aag bannaan ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in aaggaasi ay labada dowladood ku heshiiyeen sanadkii 2019, ha yeeshee aan la hirgelinin. Turkiga ayaa bishii October ee sanadkaasi qaaday guluf ka dhan ah YPG, inkastoo aanu hawlgalkaasi u fulin sidii la doonayay, sababo ku aaddan Dowladaha Suuriya, Ruushka iyo Mareykanka oo ciidamado ay ka jooggaan deegaanada dhaca xuduudda.

Ankara ayaa YPG u aqoonsan koox argagixiso oo xiriir dhow la leh kooxda Kurdiyiinta Turkiga ee PKK, oo dagaal kula jirta dowladda dalkaasi.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in hawlgalka laga fulinayo xuduudda uu noqon doono mid aan gaabis lahayn.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *