Badru Abdul Aziz Saleh oo baxsad ahaa ayaa lagu qabtey xadka Kenya iyo Soomaaliya

Published: June 1, 2022

Mid ka mid ah labo nin oo Kenyan ah oo la baadi-goobayay laguna eedeeyay ku lug lahaanshaha ka hagancsiga duurjoogta iyo daroogada ayaa lagu qabtay howlgal ay iska kaashanayaan Mareykanka iyo Kenya. Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay abaal-marin siin doonto ciddii keenta xog lagu soo xiro Badru Abdul Aziz Saleh.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in laamaha ammaanka Kenya ay heleen xog ka timid shacabka taasoo keentay in Saleh lagu xiro Isniintii magaalada Libooye ee gobolka Gaarisa. War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in saraakiisha sharciga ee Maraykanka iyo Kenya ay iska kaashadeen soo qabashada Saalax.

Eedeysane kale oo lagu magacaabo Cabdi Xuseen Axmed, ayaan weli gacanta lagu hayn.

Maalintii Khamiista, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 1-milyan oo doollarka Mareykanka ah midkiiba, ciddii keenta xog horseeda soo xiridda labadaas nin.

Eric W. Kneedler, oo ah sii hayaha safaaradda Maraykanka ee Nairobi, ayaa sheegay in xariga Saalax ee Isniintii “aysan suurta-gasheen haddii aan la helin taageerada dadweynaha. Wuxuu codsaday in la helo xogta lagu soo qaban karo ninka kale ee lagu magacaabo Axmed.

Saleh ayaa weli ku jira gacanta booliska magaalada Nairobi waxaana la filayaa in loo gacan geliyo Mareykanka.

Saleh ayaa hadda ka hor la qabtey oo la xirey fal la xiriirey ka ganacsiga daroogada sanadkii 2019, laakiin waxaa lagu sii daayay dammaanad, sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka. War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa lagu sheegay in uu baxsad ahaa kadivbna loo jaray warqad amar ah oo lagu soo xirayo. Xeerbeegti heer federaal ah oo ku taal New York ayaa ku soo oogtay 2021.

Saalax iyo Axmed ayaa lagu eedeeyay daabulida, qeybinta iyo tahriibinta 190 kiilogaraam oo geesaha wiyisha ah iyo 10 tan oo foolka maroodi ah oo laga kala keenay dalal kala duwan oo Afrikaan ah.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen daabulida iyo qeybinta 10 kiilogaraam oo Heroin ah oo laga keenay Kenya loona waday Mareykanka.

Horseed Media + Wakaaladaha

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *