Nin hubeysan oo toogasho ka geystay Isbitaalka ku yaalla Mareykanka

Published: June 2, 2022

Nin ku hubeysnaa qori iyo bastoolad ayaa toogasho ka gaystay isbitaal ku yaala Magaalada Tulsa ee Gobolka Oklahom.

Booliska ayaa sheegay in toogashada oo ka dhacday Isbitaalka St. Francis uu ninkaasi ku dilay afar qof, tiro kalena uu ku dhaawacay.

Taliye Kuxigeenka Booliska ee Magaalada Tulsa, Eric Dalgleish ayaa sheegay in ninkaasi uu toogashada gaystay, markii uu gudaha u galay dhismaha isbitaalkaasi.

Sida uu boolisku sheegay ninkaasi ayaa isna geeriyooday, waxaana loo maleynayaa in uu gacantiisa isku toogtay.

Duqa Magaalada Tulsa, G.T. Bynum ayaa maamulka iyo shaqaalaha isbitaalkan ku ammaanay inay qabteen shaqadii ugu weyneyd, xilligii COVID-19 uu faraha kulul ku hayay.

18-kii bishii hore ee May, nin hubeysnaa ayaa 21 qof oo 19 ka mida ay carruur yihiin ku laayay iskuul ku yaala magaalada yar ee Uvalde ee Gobolka Texas.

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa dadkiisa ugu baaqay inay codkooda kor u qaadaan, si looga hortaggo amaba loo yareeyo dhibaatooyinka la xiriira toogasho wadareedya

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *