Mareykanka oo duqayn ka fuliyay Gobolka Jubbada Hoose

Published: June 4, 2022

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa weerar dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaanka Beerxaani ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ku beegsadeen xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamada Mareykanka ay duqayntan ka fuliyeen aagga Beerxaani, laguna dilay shan ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

Warka ayaa lagu sheegay inaanu weerarkaasi waxyeelo ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in Dowladda Federaalka ay qaadi doono guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *