Midawga Afrika oo Putin kala hadlay saameynta dagaalka Ukraine ee Afrika

Published: June 4, 2022

Guddoomiyaha Midawga Afrika ahna Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Ukraine iyo saameynta uu ku yeeshay dalalka Afrika, gaar ahaan hakinta ku timi dhoofinta hadhuudhka iyo sarreenka, taasoo keentay inay sare u kacaan qiimaha cuntada ee dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika, waxaana taasi keentay in malaayiin qof oo Afrikan ahi inay gaajo soo foodsaarto.

Guddoomiyaha Midawga Afrika Macky Sall ayaa kula kulmay madaxweyne Vladimir Putin magaalada Sochi ee dalka Ruushka waxa ayna sidoo kale kala hadlay dagaalka Ukraine iyo saamaynta uu ku leeyahay 1.3 bilyan oo qof oo Afrikan ah.

Dagaalka Ukraine ka hor, waxay dalalka Afrika ay sannadkiiba ka soo dhoofsan jireen dalalka Ruushka iyo Ukraine, 30 milyan oo tan oo sarreen, hadhuudh iyo gallay ah, hase ahaatee dagaalka ayaa yareeyey dhoofintii waxsoosaarka beeraha ee Ukraine iyo Ruushka, iyo weliba qiimaha shidaalka oo isna cirka isku shareeray.

Shirka, ayaa madaxweyne Macky Sall, oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika, wuxuu ku boorriyay madaxweyne Putin inuu il gaar ah ku eego, in waddamada Afrika ay dhibanayaal u noqdeen colaadda Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Faransiiska. Waxa uu sheegay in sahayda cunnadu ay noqoto mid aanay saamayn ku yeelan cuna-qabataynta ay wadamada reer galbeedku ku soo rogeen dalka Ruushka.

Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina ayaa walaac ka muujiyey tallaabada ay dawladda Ruushku ku hor-istaagtay maraakiibta ku sugan badda madow, kuwaas oo siday malaayiin ton oo hadhuudh iyo sarreen ah kuwaas oo ay u wadeen dalal kala duwan oo ay ku jiraan qaaradda Afrika.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa dhawaan ansixiyay barnaamij ku kacaya illaa $1.5 bilyan oo dollar, si loo hubiyo in dalalka Afrika ay beertaan cunto ku filan oo ay ku quudiyaan muwaadiniintooda. Kooxda bangiga ayaa sheegtay in lacagtan ay ka faa’ideysan doonaan 20 milyan oo beeraley Afrikaan ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *