Ciidamo katirsan Booliska Kenya oo Qarax lagula eegtay degaan u dhow Magaalada Lamu

Published: June 8, 2022

Laba qarax ayaa Ciidamo katirsan kuwa Booliska Dowladda Kenya lagula eegtay degaano u dhow Magaalada lamu ee Gobolka Waqooyi Bari, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxyada ayaa Ciidamada Kenya lagula eegtay inta u dhaxeeysa degaannada Ijaara iyo Sangaa’ilow oo hoostaga Magaalada lanu.

Sida la sheegay mid kamid ah qaraxyada ayaa qabsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamada Booliska Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadaas, waxaana War kasoo baxay lagu sheegtay in mid kamid ah qaraxyada ay kudileen Injineer u dhashay dalka Shiinaha oo ay ilaalo ka hayeen Ciidamada Kenya.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari ayaan weli ka hadlin qaraxyada, waxaana ay kusoo beegmayaan xilli todobaadkii hore sidaan oo kale Ciidamada Booliska Kenya qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Gaarisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *