Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Published: June 8, 2022

Dalka Koofur Afrika waxaa xaley lagu dilay laba muwaadin Soomaali ah oo ganacsiyo ku lahaa dalkaasi.

labada dhalinyarada ah ee la dilay oo lagu kala Magacaabi jiray Yaasin Cumar iyo Yuusuf Jowhar ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay kudileen Agagaarka Goobo Ganacsi oo kuyaalla Xaafada Kalija ee magaalada Cape Town ee dalkaasi Koofur Afrika, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Ciidamada amaanka oo weerarka kadib tagay halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaana ah, iyagoo ku guuldareystay iney gacanta ku soo dhigaan danbiilayaasha, waxeyna hore u sii qaateen meydadka labada Soomaalida ah ee la dilay.

Dilka xalay ayaa ka dhigaya tirada muwaadiniinta Soomaalida ah ee wadankaasi todobaadkan lagu dilay Shan ruux, halka kuwo kale oo dhaawacya kala duwan qabana ay yaalaan xarumaha caafimaadka, mana muuqato wax qorshe ah oo laamaha amniga dalkaasi ay uga hortagayaan ugaarsiga lagu hayo ganacsatada Soomaalida ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *