Ruushka oo sheegay inay la wareegeen badi dhulka Gobolka Luhansk ee bariga Ukraine

Published: June 8, 2022

Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay inay ciidamadeedu la wareegeen badi dhulka Gobolka Luhansk ee bariga dalka Ukraine

Wasiirka Difaaca Ruushka, Sergei Shoigu ayaa sheegay in Militariga Ruushka ay haatan haystaan toddobaatan boqolkiiba (70%) dhulka gobolkaasi.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegaya in ciidamadooda ay weli ku sugan yihiin gobolkaasi, ayna kula dagaalamayaan Ciidamada Ruushka.

Gudoomiyaha Gobolka Luhansk ayaase dhankiisa sheegay in dadka ku dhaqan gobolkiisa ay nolosha u tahay sida uu yiri ‘naar’.

Ruushka ayaa hadda diiradda saaraya oo xooggiisa isugu gaynayaa, sidii uu ula wareegi lahaa Gobolka Donetsk ee bariga Donbas.

Dhanka kale Warbaahinta Dowladda Ruushka ayaa ku warantay in ka badan kun askari oo Ciidamada Ukraine ah oo bishii hore isku dhiibay Ciidamada Ruushka ee ku sugan Magaalada Mariupol loo soo gudbiyay gudaha Ruushka, si baaritaan loogu sameeyo.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa bishii May sheegtay in la maxkamadeyn doono askartaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *