Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo dhaqangeliyay qaraar cusub

Published: June 9, 2022

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka dalbaday dalalka Shiinaha iyo Ruushka inay sharraxaad ka siiyaan beesha caalamka, sababta ay diidmada qayaxan (Veto) ugu diideen qaraarkii golaha ammaanka ee ku baaqayey in cuna-qabatayno cusub lagu soo rogo dalka Kuuriyada Woqooyi, ka dib markii ay tijaabiyeen gantaallada ridada dheer iyo kuwa ballactic-ga ee mamnuuca ah.

Qaraarka cusub ayaa loogu yeeray “Diidmada Qayaxan ilko malahan”.

Waa markii ugu horraysay ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu isticmaalo ama dhaqangeliyo qaraarkii ay ansixiyeen bishii April 25-keedii kaas oo dhigayey in haddii mid ka mida shanta xubnood ee Golaha Ammaanku uu isticmaalo codka diidmada qayaxan, inuu sharaxaad ka siiyo sababta uu u isticmaalay, dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Tan iyo sannadkii 1945-kii oo ahayd markii la aasaasay Qaramada Midoobay, waxaa shanta dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanku (Britian, France, Russia, USA iyo China) ay diidmada qayaxan isticmaaleen illaa 296 jeer. Dalka Ruushka ayaa ah kan ugu badan ee isticmaalay awooddiisa diidmada qayaxan, halka dalalka Ingiriiska iyo Faransiisku ay yihiin kuwa ugu yar ee isticmaalaya wooddan, waxaana ugu dambaysay sannadkii 1989-kii.

Shiinaha iyo Ruushka oo ka jawaabayey baaqa golaha guud ee Qaramada Midoobay ee ah inay sharaxaad ka bixiyaan sababta ay codka diidmada qayaxan ugu hor-istaageen qaraarkii ka dhanka ahaa dalka Kuuriyada Woqooyi, ayaa eedda isaga weeciyey dhinaca Maraykanka, iyagoo sheegay in Washington ay dabada ka riixaysay in goluhu u codeeyo bishii May 26-keedii, in cunaqabatayn dheeri ah lagu soo rogo dalka Kuuriyada Woqooyi.

“Tan iyo markii ay Kuuriyada Woqooyi qaaday tallaabooyinkii baabi’inta hubka nukliyeerka ee sannadkii 2018, dhinaca Mareykanka lamay iman tallaabooyin lagaga falcelinayo dedaalada wanaagsan ee ay qaadday Kuuriyada Woqooyi, isla markaana si macquula ugamay jawaabin walaacyada macquulka ah ee ka imanaya dhinaca Kuuriyada Woqooyi” ayuu yidhi ergayga dawladda Shiinaha Zhang Jun oo la hadlayey golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Wuxuu sheegay in cunaqabateynta la soo jeediyey inay ahayd mid adag, gaar ahaan xilli lagu jiro cudurka COVID19 oo si weyn ugu faafay Kuuriyada Woqooyi, tallaabo kasta oo cunaqabatayn ah oo la soo rogaana ay noqonayso mid ka baxsan bini’aadantinimada.

Ergeyga Kuuriyada Waqooyi u jooga Qaramada Midoobay, Kim Song, ayaa sheegay in dalkiisu uu si joogto ah u sameeyo tijaabooyinka gantaallada, isla markaana uu ku dhaqmayo xuquuqdiisa sharciga ah ee is-difaaca.

Ilaa bilawgii sanadkan, Kuuriyada Waqooyi waxa ay tijaabo ku samaysay in ka badan 30 gantaal oo ay ku jiraan dhowr gantaal oo ah kuwa qaaradaha isaga kala goosha. Qaraarka uu Golaha Ammaanku soo saaray sannadkii 2017 wuxuu ku hanjabay inuu sii xoojin doono cunaqabataynta haddii Pyongyang ay sameyso bilawga tijaabada gantaallo cusub oo kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *