Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku wajahan Garoowe.

Published: June 14, 2022

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta diyaarad khaas ah ka soo qaato magalada Muqdisho oo ku sugnaa maalmihii u danbeysey. Safarka Madaxweynaha ayaa ka duwan kuwii hore, waxaana uu si toos ah uga soo guurayaa Xamar oo uu xarumo kulahaa sanadkii u danbeeyey isaga oo isu diyaarinaayey doorashadii dhacdey 15 May ee looga adkaadey.

Maalmihii u danbeysey Madaxweyne Deni ayaa olole ugu jirey qabashada Raysalwasaaraha Soomaaliya, waxaa wararku sheegayaan in Madaxweyne Deni loo dayriyey aysana muuqan fursad uu ku qaban karo xilkaas.

Dib ugu noqoshada Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaysa xaaladda Puntland oo ah mid adag:

  • Abaarta oo qaybo badan oo Puntland ah ka jirta, xaaladduna daran tahay.
  • Mushaharaadkii shaqaalaha rayidka oo aan la bixin saddexdii bilood ee u danbeysey ayna saameysey doorashooyinkii Madaxweyne Deni dhaqaalaha badan ku bixiyey.
  • Khilaafka siyaasadeed ee Xukuumadda Puntland oo aan heshiis laga gaarin
  • Muddo xileedkii Madaxweyne Deni oo gabaabsi ah

Arrimahan ayaa la is weydiinayaa sida madaxweyne Deni ku maareeyo mudada yar ee xukunkiisa ka harsan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *