Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo isaga baxay shir uu ku casuumay Uhuru Kenyatta

Published: June 14, 2022

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa isaga baxay kulan uu Madaxweyne Uhurru Kenyatta ku casuumay safiirada caalamka ee wadankiisa ka howlgala.

Ka bixista shirka ee Tarsan ayaa timid ka gadaal markii goobta lagu casuumay xubno ka socda Somaliland, sidoo kalena calamadda dalalka lagu soo daray calanka Somaliland.

Arrintan ayaa la sheegay inuu si weyn uga carooday safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya.

Ugu dambeynna taas ayaa keentay in gebi ahaan kulanka uu isaga baxo Safiirka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *